Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan laqaatay Dhalinyaro kasocotay Madasha Nabadda iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan laqaatay Dhalinyaro kasocotay Madasha Nabadda iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug.
Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Madasha Dhalinyarada Nabadda iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug Mudane Mohamed sheekh siciid ayaa Wasiirka la wadaagay warbixino ku saabsan Shaqooyinka ay kasoo qabteen Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Madashada Nabadda iyo Isdhaxgalka Bulshada.
Dhalinyaradaan oo kasoo kala jeeda Dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa isu xilqaamay ka shaqeynta Nabadda iyo isdhaxgalka dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobalka mudug,Dhalinyadaan ayaa sidoo kale isu xilqaamay ka shaqeynta wacyigelinta, Tababaridda iyo awoodsiinta dhalinyadda gobalka mudug.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed Macalin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay shaqada wanagsan ee Madasha Nabadda iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, kuna sii dhiirigaliyay in shaqadaas fiican ay sii laba jibaaraan.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay ka wasaarad ahaan in ay diyaar u yihiin in ay dhinac kasta ka taageeraan Madasha Nabadda iyo Isdhaxgalka Gobalka Mudug.