Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi ayaa Maanta kulan la qaatay Anita Kiki Gbeho, Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.
Wasiir Ahmed Moallim Fiqi iyo Anita Kiki Gbeho ayaa waxay kulankooda uga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo sidii Qaramada Midoobay u kordhin laheyd taageerada Barnaamijyada Federaalka,Dib-u-heshisiinta , Dhismaha Golayaasha Degaanka iyo Madasha wadatashiga Qaran.
Sidoo kale kulankan waxaa looga hadlay abaaraha kajira dalka iyo sidii Qaramada midoobay uga qeyb qaadan laheyd gurmadka loo sameeynayo Shacabka Soomaaliya taasoo Xukumadda DanQaran u ah ahmiyadeeda ugu horeysa.
Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa uga mahad celiyay Anita Kiki Gbeho taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya sheegayna in ay Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka go’antahay la shaqaynta Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehlinayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyas Ali Hassan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Saciid Abdullahi

Calasow.