Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya Mr. Ikali karvinen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya Mr. Ikali karvinen.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mud. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Mud. Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mud. Saciid Cabdullahi Calasow, Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose.
Kulanka oo ahaa mid shaqo ayaa waxaa goob joog ka ahaa hawl-wadeeno ka kala socday Wasaaradda iyo Hey’adda FCA Soomaaliya.
Wafdigaan ka socday Hay’adda FCA Soomaaliya ayaa waxaa ay tilmaameen in Wasaaradda ay kala shaqeynayaan dhisidda Golaha Deegaan ka ee Degmooyinka, Dib u heshisiinta iyo Federaalka.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa u mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysay Socdaalkiisa, waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka hayaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn labada dhinac ay ku heshiiyay in la dadajiyo lana Fududeeyo Howlaha Baaxada leh ay Ka wada Shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda FCA Soomaaliya.