![](https://moifar.gov.so/en/wp-content/uploads/2022/08/2.jpg)
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinaayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Ilyaas Ali Hasan iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Abdixakiim Hassan Ashkir ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Paul Simkin.
“Marka dawladaha hoose awood yeeshaan oo ay shaqeeyaan, nolosha muwaadiniinta ayaa isbedelaysa”, Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Paul Simkin.
Wasiirka ayaa ka dhageystay Maareeyaha Barnaamijka PMU/JPLG Mr, Paul Simkin dulmarka guud oo ku saabsan barnaamijka JPLG iyo waxyaabihii u qabsoomay afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.