Wasiir Ahmed Mo’allim Fiqi oo la kulmay Wafdi uu hogaaminayo Mud. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada TIS+3/USAID Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Mudane Ilyaas Ali Hasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Abdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada ayaa waxaa ay Xarunta Wasaaradda kula kulmeen wafti uu hogaaminayo Mud. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada TIS+3/USAID Soomaaliya.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayuu Wasiirka ka dhageystay Md.Iftikhar Ahmad iyo waftigiisa Warbixino ku saabsan hogaaminta Dadaalada Xasilinta ee Hay’ada TIS+3/USAID.

“Dhammaan hawl-wadeennada xasilinta iyo Hay’adaha ka shaqeeya dhismaha nabadda waxaa laga filayaa in ay barnaamijyadooda la jaan qaadaan Tiirarka Cusub ee mudnaanta u leh Dowladda Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macalin Fiqi”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa balanqaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Hay’ada TIS+3/USAID ee hogaaminta barnaamijka Xasilinta iyo dadaallada.