Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Md. Larry E. André, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Larry E. André.

Wasiirka iyo safiirka ayaa waxa ay ka wada hadlen barnaamijyada Xasilinta, Dib u heshiisiinta iyo Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee dalka.

Wasiir Ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsan tahay oo ay qadarinayso dadaalka iyo taageerada Dowlada Mareykanka u muujisay Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Larry E. André ayaa bogaadiyay waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda oo ay ka mid yihiin dib u xoraynta dhulalka gacanta dawladda ka maqan , xoojinta iyo Dhismayaasha maamulka deegaanka si looga jawaabo baahiyaha bulshada.