Munaasabadda Xil-Wareejinta

Munaasabadda Xilwareejinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay ka dhacday Hall ka Wasaaradda waxaana Munaasabadda goob joog ka ahaa Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa Munaasabada Xilwareejinta uga mahadceliyay Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda sida wanagsan ee ula soo shaqeyeen intii uu joogay Wasaaradda.

“Waxaan balan qaadayaa in aan dar dar gilin doono shaqooyinka hor yaala Wasaaradda oo ay ugu horeyso dib udhiska Xaruntii Wayneed ee Wasaaradda, Xurraynta Deegaanadda ay kusuganyihiin Cadowga Umadda Soomaaliyeed, Gargaarka dadka ay abaaraha saameyeen iyo qeybaha lixda Tiir ee Xukumada DanQaran ka quseeya Wasaaradda”, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi 

Ra’iisul Wasaare Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo goob joog ka ahaa Munaasabadda xil wareejinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u Heshisiinta ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Gen Mukhtaar Xuseen Afrax sida uu ugu adeegay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u xilsaaran tahay wasaarad Wajibaat gaara ah , wuxuuna caddeeyay inay ka go’an tahay awood siinta iyo ilaalinta shaqada Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Guddiyada hoos yimaada Wasaaradda ay ka mid yihiin Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (BFC), Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (DADSOM) iyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka (NIEC).

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Wasaaradda arrimaha Gudaha ay kaalin mug leh ka qaadato sidii loo gaari lahaa hiigsiga “Soomaali Heshiis Ah” sidaas darteedna ay taageero buuxda ka heli doonto xafiiskiisa iyo kan madaxweynaha JFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Wasaaradda, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama Wasaaradda ay ahmiyad gaar ah u leedahay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada.

 

Munaasabada Xilwareejinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amb.Abdixakiim Hasan Ashkir ,Wasiiru Dowlaha Mud. Ilyaas Ali Hasan, Wasiir Ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Mudane Isxaaq Maxamed Maxamuud iyo Madax ka kala socoto Hay’adaha Dowliga ah iyo kuwa madax banaan.