Buurhakaba Iyo Diiwaangalinta Codbixiyaha

Buurhakaba 22 Nov 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow oo hoggaaminayey siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka socday dowladda federaalka ah ayaa maanta goobjoog ka ahaa daahfurka ololaha Diiwaangwlinta Codbixiyaasha Dooraahada ee magaalada Buurhakaba oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isaga oo hormuud ka noqday isdiiwaangelinta.

Maamulka iyo shacabka degmada Buurhakqba ayaa bilaabay isu diiwaangelinta kaqeybgalka doorasho ay ku dooran doonaan mas’uuliyiintii matali lahaa taasi oo toos ah, isla markaana fududeyneysa isla hufnaanta iyo isla xisaabtanka.