Agaasimaha Guud Oo la kulmay hay’adaha Qaramada Midoobay (UNICEF, UNDP iyo UN-Habitat)

Muqdisho 15 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa la kulmay hay’adaha Qaramada Midoobay (UNICEF, UNDP iyo UN-Habitat) ee ku midaysan mashruuca Dowlad-Kaab.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dardargelinta wadashaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo hay’adaha UN-ka si loo sii horumariyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan iyo hirgelinta barnaamijyada horumarinta dowlad-hoosaadyada iyo gaarsiinta bulshada adeegyada aasaasiga ah.