Agaasimaha Guud Oo La Kulmay Wafdi Uu Hoggaaminayo Wakiilka UNDP Ee Soomaaliya

 

Muqdisho 13 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa maanta la kulmay wafdi uu hogaaminayo Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Lionel Laurens.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arimaha laxariira dib-u-heshiisiinta qaranka, siyaasadda loo dhan yahay, federaalka, iyo sidii taageerada UNDP loo waafajin lahaa doorka hoggaamineed ee Wasaaradda ee dhismaha dowladnimada iyo mudnaanta maamulka iyo dowlad-wanaagga Soomaaliya.