- December 16, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 16 Dec 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, iyada oo laga hadlay hortabinnada Wasaaradda.
Kulan mirodhalka ah oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale oo Wasaaradda ah ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashada, UNTMS, iyo howlo kale oo hortabin u leh wasaaradda iyo guud ahaan qaranka.












