Wasiir Ashkir Oo Ka Qeybgalay Shirweynaha DGAS

Zambia 09 Oct 2025; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galey shirka ‘Digital Government Africa Summit’ oo lagu qabtay Lusaka, Zambia. Shirka ayaa waxaa lagu casuumay in ka badan 26 dal oo ka kala yimid qaaradda Afrika iyo shirkado caalami ah oo ka shaqeeya bixinta Adeegyadda Dhiijitaalka ah ee dowladaha.

Shirkan heerka-qaran ayaa diiradda lagu saaraya hormarinta adeegyadda dowladda gaar ahaan casriyeynta aqoonsiyadda muwaadiniinta iyo xoojinta wada-shaqeynta dowladaha Afrika ee dhanka teknoolojiyadda iyo adeegyada kala duwan ee dadweynaha qaaradda Afrika.

Dhanka kale, intii uu socdey shirku, wasiir Abdihakim Ashkir ayaa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Zambia.

Labada wasiir ayaa kulankaasi kaga wada hadley iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhanka aqoonsiga dijitaalka ah, maamulka xogta muwaadiniinta, iyo ilaalinta xuquuqda socdaalayaasha Soomaaliyeed ee ku nool ama u kala gooshaya dalalka Afrika.

Mudane Wasiir Ashkir kala hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Zambia kiiska wiil Soomaaliyeed oo da’diisu 17 jir ahayd oo arrimo socdaal dartood loogu xukumay 15 sano oo xabsi ah taasi oo 2 sano ka qaatay tiiyo uu balanqaaday in lasii deyn doono isla Bishan October.

Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Zambia soo dhoweyntooda diirran ee ay u fidiyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Waxa uu sidoo kale ku ammaaney doorka ay bulshada Soomaaliyeed ee Zambia ku leeyihiin ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.

Waftiga ayaa intii uu ku sugnaa Zambia waxa uu booqday Safaaradda Soomaalida ee dalka Zambia, waxaa uu sidoo kale kulamo la qaatay qaybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zambia.

Waxaa waftiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle iyo Agaasimaha Waaxda dad dhigista mudane Abdiqani Mohamed Wehliye iyo masuuliyiin kale.

Ka qeybgalka wafdiga ee shirkan ayaa muujinaya dadaalka dowladda Somaliya ee ku aaddan hal-abuurka, horumarinta adeegyada dijitaalka ah iyo dhisidda iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladaha iyo bulshooyinka Afrika.