Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Daahfurka Kabayaasha Digital-ka Ee Hay’adda NIRA

Muqdisho 07 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uga qaybgalay Munaasabadda Kaabayaasha Digital-ka ah Ee Hay’adda Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Qaranka(NIRA).

Wasiir Cali Xoosh oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in daahfur kaabayaasha Digital-ka ay ka tarjumayso himillada Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo yiri ”Daahfurka nidaamyada iyo kaabayaasha casriga ah ee HUBIYE, e-Aqoonsi iyo Certificate Delivery System (CDS) waxay ka tarjumayaan himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahaan xoojinta tayada adeeg-bixinta iyo sare u qaadidda maamul-wanaagga iyada oo loo marayo kaabayaal teknaloojiyadeed “.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Xoosh ayaa ugu baaqay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ka faaideystaan nidaamkab, wuxuuna yiri” Waxaan dhammaan Hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, goobaha waxbarashada iyo caafimaadka, ku boorrinayaa inay si buuxda uga faa’iideystaan nidaamyada la daahfuray; gaar ahaanna Nidaamka Hubiye oo u fududaynaya inay ku xirmaan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo inay hubiyaan saxnimada aqoonsiyada dadka ay u adeegaan”.

Ugu Dambayn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay hoggaanka iyo howlwadeennada NIRA, isagoo yiri” Waxaan u mahadcelinayaa Maareeyaha, hawl-wadeennada farsamada ee NIRA—injineerrada, naqshadeeyayaasha, iyo dhammaan shaqaalaha kale ee ka qayb-qaatay ka mira-dhalinta hal-abuurkaan maanta halkan lagu soo bandhigay.