- May 5, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 05 May 2025; Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dad-dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Ku Simaha Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamullada Gobollada Iyo Amniga Gudaha Golaha Shacabka ahna Ku Xigeenka Guddoomiyaha Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye ( Afeey) ayaa Golaha Shacabka ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Dad-dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS uga warceliyay waydiimahooda la xiriira Hindise Sharciyeedka Dad Dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga oo maraya Akhrinta labaad.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbisay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ka dib markii uu soo maray habraacyadii Sharciyeed ee looga baahnaa.