Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha

Muqdisho 03 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu weliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxabannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa wasiirrada warbixin ku aaddan shaqada baaxadda leh ee uu Guddiga ka qabtay Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo guud ahaan howlaha guddiga.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa bogaadiyay howlaha waxtarka leh oo ay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha u hayaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha dardarglinta doorashooyinka iyo arrimaha la xiriira.