- May 3, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 3 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kaqeybgalay munaasabad ballaaran uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Cabdisalaam Cabdi Cali kaas oo kala wareegay Mudane Axmed Macallim Fiqi.
Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin leh heerarka kala duwan ee dowladda ayaa waxaa xilka u kala wareejiyey Ra’isul wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre.