- April 29, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 29April 2025; Maayaradda Degmada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax Maalin, oo howlo shaqo u joogta Muqdisho, ayaa maanta booqasho ku timid Xafiiska Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka xaaladaha Madaniga ee Wasaraadda Arrimaha Gudaha Federaalka & Dib-U-Heshiisiinta. Halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud, Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.
Ujeedka booqashada ayaa ahaa is-weydaarsi ku saabsan horumarka nidaamka casriga ah ee dad-dhigista oo laga hirgeliyay qaar ka mid ah degmooyinka dalka oo ay ku jirto Degmada Beledweyne.
Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay doorka ay Marwo Nadar ka qaadato horumarinta adeegyada dad-dhigista ee Beledweyne, wuxuuna ku wareejiyay tablet-yo loogu talagalay fududeynta howlaha xafiiska. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday Agaasinka guud in qalab dheeri ah la gaarsiin doono xarumaha caafimaadka si kor loogu qaado isku xirka xogaha dhalashada iyo dhimashada