Kulanka Odayaasha Dhaqanka Ee La Dagaallanka Khawaarijta

Muqdisho 28 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa caasimadda Muqdisho ku daahfuray kulanka guud ee Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo ajendihiisu yahay Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee ladagaalanka Argigixisa.

Khudbad kooban oo madasha kajeediyey mudane Cali Xoosh waxaa ka hadlay kaalinta odeyaasha dhaqanka iyo in ay muhiim u yihiin;

(1). Tiir u yihiin bulshada
(2). Difaaca Qaranka
(3). Abaabulka bulshada ee ladagaalanka Argigixisada.

Mudane Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey kaalinta odeyaasha iyo beelaha ee ladagaalanka Khawaarijta, isaga oo adkeeyey joogteynta wacyigelinta bulshada ee ciribtirka diinlaaweyaasha cadowga Soomaaliyeed kuwaas oo gumaadka shacabka uga yimid meelo fogfog.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh waxaa hoosta ka xariiqay in odeyaasha dhaqanka ay si guud iyo si gaargaar ah hormuud uga noqdaan olalahaan, aanna laga caajisin ilaa dalka laga xoreynayo.

Ugu dambeyntii, Wasiir Cali Xoosh waxaa dhanka kale dhiirigeliyey howlaha doorashada iyo in ciribtirkooda lagu garabwado in dadka shacabka xuquuqdooda iyo matalaadooda dib loogu celiyo, isla markaana laga shaqeeyo nabadda iyo dib u heshiisiinta.