Wasiir Cali Xoosh Oo Dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Ciraaq Kulan La Qaatay

Muqdisho 25 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Ciraaq Mudane Cabdi Amiir Kaamil Al-shamari oo booqasho rasmi ah kujooga Caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ku aaddan la dagallanka argagaxisada, Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dimoqoraadiyadeynta iyo maamul daadajinta iyo guud ahaan iskaashiga labada dhinac ee howlaha kala duwan.

Kulankan oo uu ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiyaha Hay’adda SODMA mudane Maxamuud Macallin Iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Ciraaq mudane Ridwaan Xirsi Maxmed.