- April 23, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 23 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Guddoonka Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed(NCRI) uu horkacayay Guddoomiyaha Hay’adda Mudane Axmed Xuseen Cilmi.
Guddoonka Hay’adda ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS shaqada ay qabato hay’adda, gaar ahaan arrimaha Qaxootiga, magangalya-doonka iyo dedaallada socda ee ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh oo bogaadiyay shaqada ay qabatay Hay’adda ayaa faray in la dardargaliyo howlaha qaran ee Hay’adda iyo hubinta in la gaarsiiyo adeegga Dowladda bulshada nugul ee Qaxootiga, magangalya-doonka iyo barakacayaasha gudaha dalka.