Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda UNDP Iyo IESG

Muqdisho 23 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay wafdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee (UNDP) iyo Kooxda Isku-dhafka ah ee taageeridda Doorashooyinka(IESG).

Kulanka ayaa looga arrinsaday taageeridda arrimaha Doorashooyinka dalka, Dimuqraadiyadeynta iyo Dedaallada nabad dhiska oo ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.