- April 22, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 22 April 2025; Mas’uuliyiin ka socotay Golaha “Arab Council foundation” ayaa xarunta Wasaaradda waxay kulamo gaargaar ah kula yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo Wasiir kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir.
Mas’uuliyiintaan oo uu horkacayey Agaasimaha Guud ee hey’adda mudane Cimaad Al-Daa’imi ayaa ugu horreyn howlaha golaha waxay uga warbixiyeen Wasiir mudane Cali Xoosh iyaga oo sheegay taageerada ay siiyaan Dimoqoraadiyadeynta halka Wasiirka uu bogaadiyey shaqadaas isaga oo ku dheeraaday sida ay Soomaaliya hortabin ugu leedahay Dimiqoraadiyadda iyo dowlad wanaagga maadaama uu dalku aadayo doorasho toos ah.
Dhanka kale, kulankooxa ay la galeen Wasiir kuxigeenka mudane Ashkir waxay Wasaaradda iyo Golaha galeen is-afgarad lagu xoojinayo wadashqeynta iyo kala faa’ideysiga khibradda iyo aqoonta.