Wasiir Cali Xoosh Oo Hortagay Guddiga Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka

Muqdisho 22 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa hortagay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Arrimaha Bini’aadminimada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo ay guddoomineysay ku simaha Guddoomiyaha Xildhibaan Cadar Cali Maxamed.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Guddiga uga warbixiyay xaaladda Barakacayaasha Gudaha dalka, isagoo sidoo kale ka warceliyay waydiimadaha Xubnaha Xildhibaannada Guddiga ee ku aaddan Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.