Kulanka Wasiir Cali Xoosh Iyo Safaaradda Norway

Muqdisho 21 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ku Simaha safiirka dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Danjire Carsten Carlsen.

Kulanka muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin; Dib-u-heshiisiinta, Dimuqraadiyadeynta, Doorashooyinka, Geeddi Socodka Nabad Dhiska iyo Xasilinta.