Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Agaasinka Xarunta Qaran Ee Xalka Waara

Muqdisho 20 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay mas’uuliyiinta xarunta Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka oo ay ugu horreeyaan Agaasimaha Guud ee xarunta Marwo Zahra Cabdi iyo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Zaahid.

Madaxda Xarunta ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS uga warbixiyey shaqada aragtida, qorsheyaasha iyo howlaha kala duwan ee socda. Sidoo kale kulanka waxaa kale oo diiradda lagu saaray horumarinta reer Miyiga iyo sidii xal waara loogu helo helidda adeegyada asaasiga u ah noloshooda.