Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Safiirka Qatar Ee Soomaaliya

Muqdisho 20 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh) ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya JF ee Soomaaliya Danjire Dr. Cabdullahi Bin Saalim Al Nuceymi.

Kulanka muhiimka ah ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo xoojinta ka wada shaqeynta howlaha hortabinta leh. Waxaana diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin; Dib-u-heshiisiinta, Nabad-dhiska, Dimoqoraadiyadeynta iyo guud ayaan geeddi usocodka dowlad dhiska.