Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Istiraatiijiyadda Dhab-u-heshiinta

Muqdisho 19 April 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa Guddoomiyay kulan lagu soo bandhigay nuqulka kama dambeyska ah ee Qorshaha Istiraatiijiyadda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran (2025-2029).

Waaxda Dib-u-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa Wasiirka Wasaaradda ku wareejiyay Nuqulka Qorshaha Istiraatiijiyadda Hannaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran 2025-2029 kahorgeynta Golaha Wasiirada XFS.