- April 17, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 17 April 2025; Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa Guddoomiyay kulanka Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Dardargelinta shaqada, sare u qaadidda tayada shaqada maalinlaha ah iyo adkeynta Suulsaarka iyo xaadirinta, waxaa kale oo la xusay habka horumarinta shaqaalaha taas oo ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisbaatan.