Wasiir Ashkir Oo Ka Qaybgalay Shirka Xuquuqul Insaanka

Muqdisho 14 April 2025; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa ka qayb galay Shirka Qaran ee Xuquuqul Insaanka oo maanta ka furmay Muqdisho.

Wasiir Ashkir oo shirka ka hadlay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay horumarinta, ilaalinta iyo kor u qaadidda xuquuqda aadanaha.

waxa uu si gaar ah diiradda u saaray ahmiyadda ay leedahay in dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha bulshada iyaga oo ka faaidaysanaya xuquuqdooda dastuuriga ah ay isku diyaariyaan ka qayb qaadashada doorashooyinka dalka isla markaana ay ka qaataan kaalin muuqata xukunka dalka, si ay ula xisaabtamaan madaxdooda iyo masuuliyiinta dalka.