- March 17, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 17 Mar 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Axmed Fiqi kala hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen sidii Qurbajoogta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa hannnaanka Dad-dhigista oo casri ah, fudud oo hufan.
Dad-dhigis Waxaa loola jeedaa diiwaangelin waareysa oo waajib ah si joogta ahna loo diiwaangelinayo dhamaan Dhacdooyinka Muhiimka ah iyo qoyska iyadoo la raacayo shuruudaha iyo habraacyada, waana nidaaminaya diwaangelinta arrimaha la xiriira dad dhigista sida: dhalashada; dhimashada; guurka iyo furiinka.