Kulanka Farsamo Ee Mideynta Adeegyada Waxbarashada Iyo Dad-dhigidda

Muqdisho 03 Mar 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa booqday xarunta Wasaaradaha Waxbarashada & Tacliinta sare, halkaas oo ay kula kulmay Xoghayaha Joogtada ah Mudane Xasan Maxamed Cali.

Kulanka oo daarnaa sidii xiriirka labada wasaaradood, gaar ahaan isku xirka adeegyada dad-dhigista mideysan iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee adeegyada dad-dhigista Mudane Cabdiqani Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada asaasiga ah Mudane Dr Cabdullaahi iyada oo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in loohelo diiwaangelin dhlasho oo bilaash ah caruurta yaryar.