- February 23, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 23 Feb 2025; Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ansixiyey “ Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara” kaasi oo ay horgeeysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
Reer Miyiga, barakacayaasha dalka oo tiradoodu sii kordhayso waxa ay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha hoosyimaada wadaan qorshayaal looga gol leeyahay sidii Xal Waara loogu heli lahaa.