- February 11, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho, 11 Feb 2025; Agaasimaha Guud ee Agaasinka Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye, ayaa maanta xarunta Agaasinka ku qaabilay Madaxa Howlgalka Soomaaliya ee Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) Mudane Manuel Marques Pereira iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Prestage Murima.
Kulanka ayaa lagu lafaguray xiriirka shaqo ee u dhexeeya Agaasinka iyo IOM, waxaana dhinacyadu isla meeldhigeen xoojinta iyo adkaynta iskaashi iyo xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya. Wafdiga IOM ayaa bogaadiyay dadaalka iyo horumarka ay Wasaaraddu ka sameysay dhismaha nidaamka dad-dhigista mideysan ee JFS.
Ugu dambeyn, wafdiga IOM ayaa muujiyay in ay ka go’antahay garab istaagga dadaallada agaasinka guud, iyagoo ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan Agaasinka si loo xoojiyo tayada iyo wax-ku-oolnimada nidaamka dad-dhigista, taasoo gundhig u ah bixinta adeegyo hufan oo ay ka faa’iideystaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.