- February 6, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 06 Feb 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Kelmaddiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, waxaa ku bogaaadiyey howlaha kala duwan ee maamulka iyo howlwadeennada u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee kunool Banaadir isaga oo intaa raaciyey in gobolka uu qeyb weyn ku leeyahay dowlad-dhiska.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale xusay in la gaaray xilligii shacabka gobolka ay dooran lahaayeen ciddii ka talin lahayd aayahooda “ Dowladnimada Soomaaliya waxaa ay u jiheysatay marxalad cusub oo umadda Soomaaliyeed ay masiirkooda ka go’aan gaarayaan, Hortabinnada ah aadista doorasho qof iyo cod ah waxaa kow ka ah in ay matalaad helaan dadka malaayiinta ah ee ku nool magaalada. Waa in shacabku doortaan goleyaasha deegaanka iyo mas’uuliyiintii matali lahayd”.