- February 2, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 02 Feb 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay safiirka Falastiin ee Soomaaliya Mudane Ruwayd Caadil Maxamed.
Inta uu kulanku socday waxaa laga hadlay dareenka walaalnimo ee soo jireenka ah, sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u garab taagan tihiin qadiyadda iyo xuquuqda taariikhiga ah ee reer Falastiin iyo sidoo kale in la adkeeyo iskaashiga iyo wadajirka labada dal.