Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Madaxda UNHCR

Muqdisho 01 Feb 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Agaasimaha Xafiis Goboleedka UNHCR Mudane Mohamadou Dian Balde.

Arrimaha la dul istaagay waxaa ka mid ah; xaaladaha ka taagan gobolka iyo caqabadaha ay wajahayaan qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliya.