Kulanka Wasiir Cali Xoosh Iyo Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho 26 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Denjiraha Midowga (EU) ee Soomaaliya Ambassador Karin Johansson.

Qodobadda ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka iyo Arrimo kale.

Kelmaddiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxuu ka mahadceliyey kaalinta Midowga Yurub ee dowlad-dhiska isaga oo dhanka kale hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay daadejinta awoodaha iyo jiheynta in shacabka ay doortaan cidii matali laheyd taasi oo wax weyn ka tari doonta dowlad wanaagga, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.