Jowhar 21 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo shaqo ku jooga Hiirshabeelle ayaa waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Hiirshabeelle.
Xildhibaan Cali Xoosh, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa dhagaystay talooyinka Odayaasha Dhaqanka iyo dhalinyarada ee ku aaddan Arrimaha Xasilinta iyo Dib-u-heshiisiinta guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hiirshabeelle.