Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Galmudug

 

Dhuusamareeb 31 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (xoosh) oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay colaadaha ka jira qaybo ka mid ah dalka isagoo yiri” Sida aad ka warqabtaan meelo ka mid ah dalka waxaa ka jira dirir aan macno lahayn oo u dhaxeysa beelo Soomaaliyeed kuwaas si ka baxsan dhaqankeenna, diinteenna iyo qawaaniinta caalamkaba loogu xasuuqay dad birimogaydo ah, waxaan si xoog leh u cambaaraynaynaa falalkaas gurracan, waana in laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa”.

 

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay dedaallada uu wado Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ku aaddan Nabadaynta.

 

Dhankooda Odeyaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa sheegay sida ay diyaar ugu yihiin u qareemidda, dhexdhexaadinta iyo nabadeynta dadka, kashaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda iyo guud ahaan sidii loo heli lahaa Xasilooni waarta iyo nabad ku wada noolaashiyo.

 

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ku wehliyay Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug iyo Masuuliyiin kale.