Muqdisho 01 Jan 2024; Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan weyne ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, iyaga oo baaq nabadeed oo ay ku mideysan yihiin kasoo saaray Colaadaha ka dhacaya meelo badan oo dalka ah.
Odeyaasha dhaqanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaadaha iyo dhiigga daadanaya iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo, lagana shaqeeyo xal u helidda xasaradaha jira.