Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed Ee 20-ka December

 

Muqdisho 21 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS xildhibaan Calli Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay munaasabadda xuska sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (1943 – 2024).

 

Mudane Cali Xoosh ayaa hambalyo u diray heerarka kala duwan ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, isaga oo ka hadlay taariikhda dahabiga ah ee ay ku dhexleeyihiin qaranka iyo sida naftooda ugu huraan sugidda amniga iyo soocelinta kala dambeynta.