Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Wafdi Sare Oo Ka Socdo QM

 

Muqdisho 10 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Xildhibaan Saadaad Caliyow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayso Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha ee Dawladaha Carabta (RBAS) ee Hay’adda UNDP.

 

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr Lionel Laurens ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira geeddi socodka Soomaaliya ee Dowlad dhiska, arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, Federaalaynta iyo arrimaha horumarinta.