Muqdisho 08 Aug 2024; Golaha Wasiirrada ayaa meelmariyay, Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta. Dhammaan saddexda sharci ee lagu maamulayo doorashooyinka ayaa hadda loo gudbiyey Baarlamaanka JFS.