Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Ciraaq

 

Muqdisho 06 Jun 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kula kulmay caasimadda Muqdisho Xildhibaan Shiikh CabdulWahaab Al-Xasnaawi oo ka tirsan Baarlamaanka Ciraaq iyo wafdi la socday.

 

Inta uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyo arrimo ay ka yihiin; la dagaallanka argagixisada, amniga, Dib u heshiisiinta iyo sidii wax looga baran lahaa howlaha Xasillinta ee dalka Ciraaq.