Muqdisho 06 Jun 2024; Waxaa magaalada muqdisho lagu qabtey Kulanka farsamo ee koox howleedka Xasilinta iyo Soo kabashada Hore, kaasi oo uu shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Caydaruus Macallim Xasan,
Kulanka oo lagu falanqeeyey howlaha Xasillinta ee ka socota goobaha laga xoreeyey Khawaarijta, adeegyada laga hirgeliyey, isbadalka nolosha iyo arrimo kale ayaa waxaa goobjoog ka ahaa daneeyayaasha xasilinta oo ka kala socday dowladda iyo Beesha Caalamka.
La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee Dhanka Xiriirka Idil Abdi Mohamed ayaa ka qaybgalayaasha shirka farsamo ee koox howleedka Xasilinta iyo Soo kabashada Hore, u jeedisay istaraatiijiyad la xiriirta baahinta warbixin laga diyaarinayo goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.
Sidoo kale, La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee Xiriirka Idil Abdi Mohamed ayaa ka qaybgalayaasha shirka farsamo ee koox howleedka Xasilinta iyo Soo kabashada Hore, u jeedisay istaraatiijiyad la xiriirta baahinta warbixin laga diyaarinayo goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.
Ugu Dambayn, Daneeyaasha Beesha caalamka ee taageera barnaamijka xasilinta iyo soo kabashada hore ayaa kusoo bandhigey Kulanka farsamo ee koox howleedka Xasilinta iyo Soo kabashada Hore warbixino ku saabsan mashaariicda lahirgaliyey, kuwa socda iyo mashaariicda qorshaysan ee Xasilinta.