Muqdisho, 05 May 2024; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir ayaa xafiiskiisa kula kulmay xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.
Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan iyo mudane Fu’aad Cali Ciiro lataliyaha sare xiriiryaha hay’adaha ee xafiiska wasiirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dedaallada Xasillinta, bedqabka rayidka goobaha xoreynta ka socoto iyo arrimo kale.