Wasiir Cali Xoosh Oo Booqday Bukaanno Ku Jira Isbitaalka Digfeer

 

Muqdisho 24 April 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa booqday Isbitaalka Digfeer oo ay ku jiraan dhaawacyo waxyeelo kasoo gaartey shaqaaqo ka dhacdey caasimadda Puntland ee Garoowe.

 

Mudane Wasiir Xildhibaan Cali Xoosh ayaa inta uu booqashada ku jiray waxaa uu warbixin la xiriirta xaaladda dhaawacyada ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka isaga marka uu indho indheeyey faray in loo dhameystiro daryeelka ay u baahanyihiin, allana uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

Ugu Dambayn, Booqashada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kusoo aadaysa xilli ay dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid ah dalka.