- March 3, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 03 Mar 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Macallin Fiqi aya guddoomiyay kulan farsammo oo lagu soo bandhigay qorshaha geedi socodka doorashooyinka, heerarka sharuucda doorashada iyo arrimo kale oo hortabin leh.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa khubaro iyo sharciyaqaannada Wasaaradda ah iyo guddiyada kala ah; guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga madaxabbaan ee xuduudaha iyo Federaaleynta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa wadda dedaallada ku aaddan horumarinta, dib-u-eeegista siyaasadaha iyo shuruucda Wasaaradda, si loo waafajiyo Dowladnimada Casriga ah iyadoo ay gundhig u tahay sarraynta sharciga iyo wadatashiyo lala samaynaayo jihooyinka ay khusayso arrimahaan.