- March 3, 2024
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya mudane Dr. Hassan Sheikh Mohamud ayaa saxiixay sharciga Qaxootiga iyo Magangalyodoonka. Sharcigan muhiimka ah ayaa waxaa uu ka hadlaya xuquuqda Qaxootiga iyo Magangalyodoonka iyo waajibaadka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalintooda.
Hidinise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka ee uu saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Shiekh Maxamuud ayaa muhiimad gaar ah u leh qaxootiga ku nool Sooomaaliya iyo Magangalyo Doonka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Ayaa Golaha Wasiirrada horgaysay Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyodoonka, iyadoo ay Golaha Wasiirrada meelmariyeen, sidoo kale Wasaaradda ayaa u gudbisay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka ayaa Meelmariyay sidoo kale waxaa la horgeeyay Aqalka Sare iyagoona meelmariyay, waxaana ugu dambayn saxiixay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Shiekh Maxamuud.