Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Soo Gabagabeeyay Kulanka Barnaamijka Bulsho

 

Muqdisho 21 Feb 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Caydaruus Macalin Xasan oo safar shaqo kujooga Nairobi ayaa soo gabagabeeyay kulan shaqo oo 3 maalmood qaatay oo ku saabsan barnaamijka cusub ee Bulsho kaas oo diirada saaraaya horumarinta bulshadu ku nool deegaaanada ka-fog magaalooyinka waaweyn si loo gaarsiiyo adeegyo wax ku ool ah iyo horumar waara ee dowladnimo oo uu dowladda ka caawin doono Bangiga Aduunka. Barnaamijka cusub ee Bulsho waxa uu noqonayaa mid waqtidheer soconaya ugu yaraan 10 sano oo ay dowladu leedahay dhaqaalihiisana la marsiinayo nidaamka maaliyadda dalka, iyadoo ay kulanka farsamo qayb ka ahayd Wasaaradda Maaliyadda ee XFS.

 

Ujeedada barnaamijkan ayaa ah in la xoojiyo bulshada iyo hay’adaha dowladda si loo adkeeyo midnimada bulshada iyo adkaysigeeda si loo gaaro horumar wax ku ool ah, dowladaha hoosana loo dhiso awoodooda ay muwaadiniinta u siin lahaayeen adeegyo tayo leh.

 

Waxaa barnaamijkani uu taageero farsamo iyo tayen kartiyeed siinayaan dowlada heerarkeeda kala duwan ee heer Federaal, Dowlad Goboleed & Dowladaha Hoose iyo bulshada ku nool deegaanadaas si wax looga qabto dhibaatad iyo duruufaha ku xeeran adeeg la’aanta iyo horumar’la’aanta baahsan si loo gaaro horumar baahsan oo daboola baahiyaha dadka ku nool deegaanadaas. Waxaana kasoo qayb-galay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya soo kabashada & horumarinta bulshada.